Welcome to Kismaayo cadey

. .#1 News in Jubaland
Home     Contact Us      
                                                                                  
                                                         Taariikhda Ugaas Xaaji Santuur Goolo Maxamed
                                                                                                                                                                
 

Ugaas Xaaji Santuur Goolo Mohamed

 
 
 
 

KUMUU AHAA

UGAAS  SANTUUR GOOLOO MAXAMED.

 

 

Waxaa uu ku dhashay magaalada kismaayo 1890, waxaana uu ku qaatay qaatay waxbarashadiisii quranka isla magaalada kismaayo, , wxaa uu noqday dhallinta tira yarayd ee u firfircoonayd fahamka dhibatooyinka  gumaytayaasha  Africa ku habsaday. Qarnigii labatanaad.

 

Shaqsiyaddiisa waxaa uu ahaa nin aad ugu dheer dinnta islaamka ,jecelna hirgelinteeda, waxaa uu ahaa nin hal adag oo karti badan u leh u ololeeynta dadka la dulmiyo, ama dhibbanayaasha ah, waxaa uu ahaa nin xishood badan  , wuxuuna ad ola dagaalami jiray dhaqanka gumaystaha talyaaniga oo xilligaa gacanta ku hayey koofurta soomaaliya , kukuna abaabuli jiray shacabka sidii ay oga hortagi lahaayeen  dhaqanka gaalada.Santuur waxaa uu ahaa nin aad ay u tixgaliyaan shacabka jubbooyinka gaar ahaan kuwa uu la noolaa ee reer kismaayo, mana uusan jaclayn in la kala godbaysto dadka  halkii loo tixgalin lahaa qabiil waxaa uu aad u jeclaa uguna ololeeyn jiray in la isu tixgaliyo  hab deegaan  sida deriska , oo waxaa uu doorbidi jiray in dadka ay deris deris isu xigsadaan halka ay qabiil qabiil isu xigsan lahaayeen,taasina waxaa ay dhaxalsiisay Santuur in uu UGAAS u noqdo dadkii reer

kismaayo ahaa  oo isugu jiray soomali, carab  iyo talyaani deggannansho helay xilligaa,

 

Santuur  waxaa uu kala kulmay gumaystihii talyaaniga  dhibaatoyin badan o xarig iyo jir dilba leh, balse , ma noqon qof ay wax ka badalaan mowqifkiisii ilaa loo aqoonsado in uu yahay ninka ka wakkiilka ah una hadli kara shacabka reer kismaayo , madaama  uu gumaystihii talyaaniga ogaaday inuu dadka ula dhaqmo hab cadaalad ah , ogaadayna in ay aad ugu kalsoonyihiin shacabka reer kismaayo, mar labaad ayaa santuur isla gumaystihii talyaaniga u aqoonsaday inuu UGAAS u yahay dadka reer kismaayo.

 

 

Haddaba shacabka soomaliyeed  ee degmada  kismaayo  iyo jaaliyadihii degganaa kismaayo oo kala ahaa 

 

  1. jaaliyadda carbeed  oo oday dhaqameed uu u ahaa            Hagi Mohamed beder.

   2. jaaliyadda hindida  oo oday dhaqameed uu u ahaa            Adam  Ali

   3. jaaliyadda talyaaniga  oo oday dhaqameed uu u ahaa        Ganny  Gulliano.

 

U wada aqoonsadeen inuu yahay Santuur  ninka kaliya ay ku kalsoonyihiin , matali karana  isagoo ku hadlaya codkooda.

 

Sidaa awgeed santuur waxaa uu ahaa  nin aad oga muuqda masraxa dhaqdhaqaaqa xorriyadda soomaaliya , waxaa uuna ka mid noqday  guddi loo xullay xaqiiqo raadinta habka dowladnimo garsinta soomaaliya sanadihi 1950  ama loo yaqaano daakhilyadda.

Ka dibna somaliya  ay gobonimo heshay  1960.

 

Ka dibna  Santuur waxaa uu la shaqeeyey dowladdii somaaliyeed   isagoo wali ahaa oday dhaqameedkiisii (UGAASIMO).jeclaana in ay dadka iyo dowladooda isku xirnaadaann  ilaa uu ka geeriyoodo.